
C/raxmaan Saciid Axmed Diidiyow Oo Ah Agaasimaha Shabakadda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com Iyo Dhamaan Shaqaalaha Website,kaasi Ayaa Waxa Ay Cambaareeyeen Xaraga Lagula Dhaqaaqay Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Iyagoona Masuuliyiinta Dowlada Iyo Dhamaan Shaqsiyaadka Ku Lugta Leh Xaraga Sharci Darada Ah Ee Lagula Dhaqaaqay Mudane Tima Jilic Ka Codsaday In Ay Si Deg Deg Ah Ay Xuriyadiisa U Siiyaan Mudane Cali Max’ed Nuux Tima jilic.
Sidoo Kale Shaqaalaha Iyo Maamulka Warsom.com Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Dowladda Ku Fashilmi Doonto Afduubka Ay Kula Kacday Mudan Tima Jilic Waxa Ayna Baaq U Direen Qaramada Midowe Beesha Caalamka Iyo Dhamaan Hay’addaha Caalamka In Ay Fara Galin Ku Sameeyaan Dhibaateynta Lagu Hayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Oo Sida Sharci Daradaha Ugu Jira Xabsiyada Ay Maamusho Dowlada Soomaaliya.
Ugu Dambeytii Ayaa Waxa Ay Sheegeen Maamulka Iyo Shaqaalaha Warsom.com In Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Uu Yahay Shaqsi U Ololeeyo Horumarka Shacabka Soomaaliyeed Waxaana Ay Xuseen In Mr.Tima Jilic La Ogsoonyahay In Uu Yahay Ruuxii Ugu Horeeyey Ee Fura Wadooyinka Makka Al-Mukarama,Dekadda Muqdisho Airport,ka Iyo Qeybo Kale Oo Ka Tirsan Goobaha Wax Barasho Ee Haatanba Ka Shaqeeya Magaalada Muqdisho .




