Mudane Cali Max’ed Nuux Tima Jilic Oo Dib Xuriyadiisa U Helay Iyo Masuuliyiyiinta Dowlada Oo Soo Dhaweeyey Sii Deysmadiisa.

0
480

tima
Kadiba Markii Ay Ciidamada Ammaanka DF ay jir dil u geysteen Siyaasi ka tirsan Dowlada oo aan la garaneynin waxa uu galabsaday Ayaa Dib Xuriyadiisa U Helay.

Cali Max’ed Nuux Tima Jilkic Oo Ah Afhayeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ahna Guddoomiye Ku-Xegeenka Xisbiga Ayaa Xabsiga Laga Sii Daayey Isagoona Waxs Faah Faahin Ah Ka bixinin Xaragiisa Iyo Waxa ka Dambeeyey In Xabsi Loo Taxaabo
Tima Jilic ayaa waxa ay Ciidamadu Jirdilka u geysteen xilli uu doonaayay in uu shir jaraa’id kaga hadlo hawlgalada ka soconaayo Magaalada Muqdisho, hayeeshee Wardoonka DF oo ka warhelay arrintaasi ayaa waxa ay kala ceyriyeen Weriyayaasha, waxa ayna goobta ka ka xeysteen Tima Jilic sidaana ugu geystay jir dil, waxaana laga qabtay gudaha Degmada Xamar Weyne Iyadoona Uu Xabsi Ku Jiriray Mudo Ka Badan Isbuuc .

Ciidmada Nabad Sugida Ayaa Cali Maxamed Nuux ku xirtay Xabsiga Godka Jilicow ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, iyagoona digniin u jeediyay Suxufiyiintii, oo ay kula hadleen Barxadda Godka Jilicow Taasina Waxa Ay Sharaf Dhac Ku Tahay Madaxda Dowlada Soomnaaliya Maadaama Ay Siyaasiyiinta Kula Kaceyso Falalkaani Aan Mansabkooda Aheyn.

Dhanka kale, Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Cumar (Shaaweeye) iyo Taliye Ku Xigeenkii hore ee Nabad Suggida Cabdi Dheere, ayaa Suxufiyiinta u sheegay inaanay wareysi la yeelan karin Siyaasiyiinta dhaliilsan hanaanka Dowladda Balse Tima jilic Ayaa cadeeyey In Uu Faah Faahin Doono Maalmaha Soo Socda Xaragiisa Iyo Sida Uu U Arko.