Faah Faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Dad loo soo qab qabtay

0
496

Qaraxan Miino ayaa Saakay Kolonyo Gaadiid oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu la cocday Taliyaha Ciidamada Xooga waxaa lagula eegtay Agagaarka Warshada Canaaha ee Degmada Hodan.

Macada Khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay Qaraxaasi lala eegtay Taliyaha Ciidamada Xooga Kolonyadii uu watay hase ahaatee Taliyaah Ciidamada Booliska Degmada Hodan Korneel Maxamed Daahir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay Qaraxaasi.

Waxuuna intaa ku daray Taliyaha in Qaraxa kadib ay howlgallo Ciidamada Dowlada ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaasi oo sida uu sheegay lagu soo qab qabtay Dad badan lagu tuhmay ku lug la haanshaha Qaraxaasi.

Muddooyinkan dambe ayaa Weeraro iyo Qaraxyo waxaa lagu qaadayay Xarumaha Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo Mas’uuliyadooda ay sheeganayeen Ururka Al Shabaab.download23-150x150