Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Tiro Dad ah oo Gabar Waxyaabaha Qarxa ay ku xiran yihiin ku jirto.
Teaser Image Baledweyne: Gabar Qarax wada oo la Qabtay
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Ee Dowladda Soomaaliya C/fixaat Xasan Afrax ayaa sheegay in Gabadha lagu qabtay Magaalada Baledweyne,oo ay dooneysay in ay isku Qarxiso garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne.
C/fitaax ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka ay Gacanta ku dhigeen ka dib Xog ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay heleen.
“Ciidamada ayaa Gacanta ku haya Gabadha ka tirsan Al-shabaab,waxaa ay dooneysay in ay isku qarxiso Garoonka Diyaaradaha Magaalda Baledweyne”ayuu yiri Afrax.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 50 Ruux oo la sheegay in ay Xariir la leeyihiin Al-shabaab la qabtay.
Waa markii ugu horeysay oo Baledweyne lagu qabto Haweeneey ay ku xiran yihiin Walxaha qarxa.




