Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ay Magaalada Muqdisho ku dileen Wariye Farxaan Macalin Muxumed, oo dhowaan yimid Magaalada Muqdisho.
Suxufigaan, ayaa horey u soo noqday Tafaftirihii Idaacada Jubba oo ka jirtay Magaalada Kismaayo, lana burburiyay markii Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Ciidamadiisii dagaalka looga saaray Magaalada Kismaayo, bartamihii 2013-ka.
Marxuumka, ayay hal habeen ka hor Ciidamada Nabad Suggida ka qabteen Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, waxayna dhowr goor ay iska daba celiyeen eheladiisa oo codsadatay in lala kulansiiyo, loona soo sii daayo.
Saacadihii ugu dambeysay, ayaa la xaqiijiyay in la dilay Farxaan Macalin Muxumed, waxaana lagu aasay Khabuure ku yaala Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Yaxye Macalin Soofe, Tafaftirihii Idaacada Jubba oo la hadlay Garoowenews.com, ayaa waxa uu sheegay inaanay aqoon waxa rasmiga ah ee keenay in la dilo Tafaftirihii Idaacada Jubba.
Yaxye, ayaa waxa uu sheegay inay maqleen warar la xiriira in Farxaan Macalin Muxumed lagu soo eedeeyay, in uu ka tirsan yahay nabadiidka, ayna xigtay tallaabada lagu dilay, isla-markaana wuxuu si xoogan u cambaareeyay sida loo baneystay dhiigga Suxufigaasi.
Nabad Suggida waxaa lagu eedeeyaa in ay fuliso dilal qorsheysan, iyadoo rag badan oo hawlgal lagu soo qab qabtay ay ku dishay Caasimada, xilli aan la soo taagin wax Maxkamad ah.




