Dawlada Itoobiya ayaa marti-gelineysa Shir looga hadlayo Ammaanka Qaaradda Afrika, gaar ahaan Wadamada Soomaaliya, Koonfurka Suudaan ama Waddanka Bartamaha Afrika.
Teaser Image Itoobiya oo marti-gelineysa Shir looga hadlaya Ammaanka Soomaaliya ????
Raisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in Wadankiisa uu diyaarinayo Shir looga hadlaya dhibaatooyinka ka jira Qaarada Afrika.
Shirkaan oo la furi doono 26. Bisha soo socota ee June ayaa waxaa lagu casumay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo ay iskugu imaan doonaan Wasiiradda Gaashaandhiga, ayaa waxaa Soomaaliya Shirka uga Qeybgali doona Wasiirka Gaashaandhiga, maxamed Shiikh Xasan ‘Xamuud’.
Ajandaha Shirka wali Warbaahinta looma soo gudbin, waxeyna Keydmedia Online kusoo bandhigi doontaa Ajandaha Shirka dhawaan markii la shaaciyo. Dadka arimaha Soomaaliya indha indheeya waxay aaminsanyahiin in aysan Itoobiya Ehel u aheen Nabad ka dhacda Geyiga Soomaaliya.




