kulan lagu soo dhaweynayay Guddoomiyayaasha 16 Degmo oo Muqdisho lagu qabtay

0
500

Munaasabadani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo dhaweynayay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Cusub oo ay ka soo qeyb galeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya , Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliyeed , Ururada Haweenka iyo Marti sharaf kale ayaa xalay waxa ay ka dhacday Gudaha degmada Cabdi Casiis.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay Sugaan ka turjumeyso Nabadda iyo Horumarka islamarkaana lagu Maamusay Guddoomiyayaasha Cusub suugaan iyaga dhiira gelineyso.

Munaasabadda Kadib ayaa Guddoomiyaha Degmada Cabdi Casiis Cismaan Muxuyidiin Cali Cariif oo la hadlay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in Munaasabadaasi ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Degmadaasi Cabdi Casiis oo ugu tala galay in ay dhiira geliyaan guddoomiyayaasha 16 degmo ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn ayuu Guddoomiyaha uga Mahad Celiyay dhalinyarada soo qaban qaabisay Munaasabaddii xalay uguna baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulkiisa isagoo ku tar tarsiiyay dhalinyarada kale ee Gobolka Banaadir in ay la shaqeeeyaan Maamuladooda