MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO MAANTA LA KULMAYA RA’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

0
517

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa, waxaana Madaxweynaha soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Ethiopia, Wasiirka Maaliyadda Soomaliya iyo safaaradda Soomaliya ee dalka Ethiopia.

Xubnaha Madaxweynaha Soomaaliya la socda ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xasan iyo Wasiirka Batroolka iyo macdanta Daa’ud Maxamed Cumar iyo howl wadeen ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa dalka Itoobiya ku sugnaan doono muddo labo cisho ah, waxaana maanta oo Sabti ah uu kulan la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweynaha uu kulamo la qaadan doono inta uu Addis ku sugan yahay Xoghayaha arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Jhon F. Kerry.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta uu Addis Ababa ku sugan la kulmi doono madax kala duwan uuna kala hadli doono xaalada dalka Soomaaliya.

Addis Ababa kadib Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu tagi doonaa dalka Isutaga Imaaraadka carabta halkaasi oo uu kula kulmi doono madax ka tirsan dalkaasi.
20044