Duqeemo Xalay lagu Garaacay Xaafado ka tirsan Muqdisho

0
461

Xaafado ka tirsan degmada Dharkeynleey ayaa xalay waxaa ku dhacay Madaafiic isugu jirta dhimasho iyo dhaawac geystay.

Goob Jooge ku sugan Degmada Dharkeynleey oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hoobiyayaashu ay ahaayeen kuwa aad u tiro badan ayna ku dhaceen Goobo dhowr ah .

Ciidamo kuw dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa gaaray Goobaha ay Madaafiicdu ku dhaceen kuwaas oo Howl gallo halkaasi ka billaabay , iyadoo aan la ogeyn cid lagu soo qab qabtay Howl galladaasi.

“ Kii Koowaad meel uu ku dhacay maheyno Kii kalana Guri ayuu ku dhacay waxaa ku dhintay ninkii reerka iska lahaa iyo inan yar , Mid kale dugsi qur’aan uu isna ku dhacay 2 qof ayaa ku dhaawacantay , mid kale oo isla degmada ku soo dhacayna 4 qof ayaa ku dhaawacantay” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Cusub ee degmada Dharkeynleey oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba inta la xaqiijiyay weeraradaasi Madaafiicda ah ee xalay lagu garaacay Xaafado ka tirsan degmada Dharkeynleey ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 2 qof 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen.