Iska hur imaad Khasaaro sababay oo ka dhacay Mandera ee dalka Kenya

0
529

Ciidamada Boliiska Magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen laba ka mid ah dagaalyahanno la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, kuwaasi oo weerar xoogan ku soo qaaday Warshad Koronto oo ku taalla Magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Ciidamada Boliiska saraakiil u hadlay ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigen mid ka mid ah kooxihii Weerarka soo qaaday, halka qaar badan ay baxsadeen , iyaga oo dhaawac ah sida Sarkiisha Kenyaanka ah ay hadalka u yiraahdeen.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Magaalada Mandera Noah Mwavanda ayaa sheegay in dagaalyahano gaaraya 30 dagalyahano ay weerar ku soo qadeen warshad Korontada qaabilsan ayna ku soo weerareen waxyaabaha qarxa sida Bombaanoyinka, isagoo xusay in Ciidamada Boliiska ay weerar kala hortageen dableydii Weerarka soo qaaday lagana dilay laba qof waxyaaba kale oo qarxana oo kooxaha Shabaab lagu tuhmayo ay wateena Boliisku ay gacnta ku soo dhigen.

Weerarka ayaa imaanaya xilli Boliiska Magaalada Wajeer ay barayahaan weerar rag Shabaab lagu tuhmayo ay ku soo qadeen warshad kale oo shidaalka oo iyana ku taalla Magaaladaasi habeenkii Khamiista, halkaas oo lagu qarxiyay tanki qaadayayKorontada, dhawacna sidoo kale uu ka soo gaaray mid ka mid ah Ciidamada illaalada ka ahaa warshadaasi