Askari dowladda ka tirsanaa oo hure dil ugeystay oo gacanta lagu dhigay

0
502

download2-150x150Ninkaan shacabka ah oo la shaqeynayay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa uu dil u geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Degmada Xamar Jajab kadib muran soo kala dhex galay.

Sida dad deegaanka ah ay inoo xaqiijiyeen Ninka wax dilay ayaa la sheegay in qori uu ka dafay Askari kale islamarkaana uu khaarijiyay Askarigaas ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xiriiro aan la sameynay Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Xamar Jajab ayey inoogu xaqiijiyeen in gacanta lagu dhigay Ninka Falkaasi geystay haatanna uu ku xiran yahay Xarunta Dambi Baarista dowladda Soomaaliya ee CID.

Ugu dambeyn Axmed Cismaan Dhoore Guddoomiyaha Cusub ee degmada X/Jajab oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ninkaasi falka dilka ah ka geystay degmada Xamar Jajab oo iminka ay gacanta ku hayaan la marsiin doono cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.