Xoghayaha Gaashaandhiga ururka Ahlu suna ahna gudoomiye ku-xigeenka gobolada Koonfureed Ee Ahlu suna Sheekh Isaaq Xuseen Mursal ayaa sheegay inay jiraan Xiisado ka taagan deegaano hoostaga degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo sidoo kale degmada Baladxaawo. Sheekh Isaaq Xuseen Mursal ayaa sheegay in xiisadaasi uu ka danbeeyo gudoomiyaha degmada Doolow ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inkastoo markii danbe uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay ku soo biirtay si xaalka loo dejiyo. Wuxuu sheegay Xoghayaha Gaashaandhiga ururka Ahlu suna ahna gudoomiye ku-xigeenka gobolada Koonfureed Ee Ahlu suna Sheekh Isaaq Xuseen Mursal in hada uu socdo waan waan la doonayo in Xiisadaasi lagu qaboojiyo taasi oo ay garwadeyn ka tahay Dowlda Ethiopia sida uu hadalka u dhigay,isagoona ka codsaday Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM in arintaan ay soo fara giliyaan inta aysan faraha ka bixin. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka mas’uulka lagu eedeeyay in Xiisad dib uu kaga soo cusbooneysiiyay deegaano ka tirsan degmada Doolow Ee gobolka Gedo,iyadoo sidoo kale sanadkii la soo dhaafay Xiisad sidani oo kale u dhaxeysay Ururka Ahlu suna iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.




