Wararka Soomaaliya
Dagaal qasaaro gaystay ayaa Ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ku dhexmaray degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Ciidamada mujaahidiinta Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa dhowr jiho ka wareeraray degmada beled xaawo waxaana dhaxmaray dagaal mudda saacada ah socday.
Inta la’ogyahay 4-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen, waxaana saakay la tilmaamay in Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay howlgallo ka bilaabeen degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo oo ay wali gacanta ku hayaan.
Inta badan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhaca dagaallo xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab,.
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





