
Qeybtii u horeysay Ciidamo ka socda Uganda oo ilaalinaya xarumaha Qaramada Midoobey ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo wata koofiyadaha buluuga ee Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey.
Tirada Ciidamada loogu tala galay inay ilaaliyaan ammaanka xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa gaaraya ilaa 400 askari, hase ahaatee ilaa 70-askari oo qeybtii u horeysay ah ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ciidamadan gaarka ah ayaa ku howl geli doona magaca UNGU, waxaana ay yihiin kuwo si gaar ah u tababaran oo sugi doona ammaanka xarumaha Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana labadii bilood ee u dambeeyay qaadanayeen tababaro.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa u sheegay wargeyska New Vision in ciidamadan ay ku shaqeyn doonaan Mandate-ka Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey, waxaana ciidamadan ay ka duwan yihiin kuwa midowga Afrika ee howl galka AMISOM.
Waa markii u horeysay ee Ciidamo gaar ah oo hoos taga Qaramada Midoobey ay soo gaaraan magaalada Muqdisho muddo labaatan sano ah oo ay ugu dambeysay markii Ciidamadii UNISOM ee soo galay Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 1993-dii, xilligaasoo dalka dagaalo sokeeye iyo macluul daran ay ka dhaceen.




