
Waxaa galabta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo cago dhigatay diyaarad siday, 91 ruux oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.
Dadkaan, ayaa waxay isugu jiraan haween, caruur iyo weliba rag, waxayna noqonayaan kuwoodii labaad ee laga soo celiyo Magaalada Nairobi, markii lagu qab qabtay hawlgalka Xaafada Islii.
Xubno ka socdo Dowladda Soomaaliya, ayaa Soomaalida lagu soo celiyay dadka ku soo dhaweysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sida ay soo sheegayaan kooxo Suxufiyiin ah oo ku sugan Garoonka.
91-kaan qof ee maanta lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho, ayaa si Sharci daro ah ku joogay dalka Kenya, isla-markaana waxay Kenya garowsatay in dib ay dalkoodu ugu celiso.
Inta badan dadkaan, ayaa waxay u badan yihiin reer Muqdisho, halka inta kalana ay ka soo kala jeedaan Gobolada Soomaaliya, waxaana laga sii amba bixin doonaa Caasimada.
Siyaad Maxamuud Shire, Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Kenya ay ku hawlan tahay, sidii ay dalkeeda kaga musaafurin laheyd dadka bilaa Sharciga ku joogga, iyadoo ku andacooneysa xaqiijinta ammaanka dalkeeda.
Shire oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, wuxuu kaloo sheegay in Soomaalida heysata kaararka aqoonsiga lagu celin doono Xeryaha qaxootiga ee Kenya, halka Soomaalida kale ee qaxooti ahaanta looga diiwaan geliyay Magaalada Nairobi, uu sheegay in dib loogu fasixi doono Nairobi.




