Dowlada Liibiya ayaa xabsiga dhigtay in ka badan 400 oo qof oo ah Muhajiriin Soomaali u badan, labadii maalmood ee aanu ka soo gudubnay.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Liibiya ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaasi oo la socday doomo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan dalka Liibiya wadamada Yurubta gacantana ay ku dhigtay dowlada Liibiya.
“ilaalada Xeebaha Liibiya waxa ay qabteen 5 doomood oo ay la socdeen dadkaasi Muhajiriinta ah” sidaasi waxaa yiri Qaasim Ayuub oo ah Afhayeenka Ciidamada Badda dalka Liibiya.
Qaasim ayaa intaasi ku daray in ay heleen warar la xariira in doomo dad badan ay la socdaan ay ku sii jeedaan dalka Talyaaniga, iyagoo maraya xeebaha dalka Liibiya sidaasi darteedna ay u diyaar garobeen qabashada doomaahaasi ayna ugu dambayn gacanta ay ku dhigeen ciidamada badda liibiya , isagoo xusay in dadka la qabtay ee xabsiga loo gudbiyay ay ka soo kala jedaa wadamada Soomaaliya iyo Eretria.
Bady oo ah mid kamid ah saraakiisha badda ayaa sheegay in dadkasi Soomalida u badan lagu hayo xabsi ku yaala magaalada Tripoli ee dalka Liibiya , ayna su’aalo weydiinayaan koox qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka cafimaadka.




