Inkabadan 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu wadaa in maanta ay ka soo muuqdaan maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya iyaga oo loo haysto dambiyo argagaxiso la xariira.
Dadkan Maxkamadda lagu soo taagayo maanta Magaalada Nairobi ayaa waxa lagu soo qabqabtay howl gallo balaadhan oo loogu magacdaray ’Usalama Watch’’( Nabada ilaali) kuwaas oo laga sameeyey xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii ee Magaalada Nairobi.
Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Boliiska David Kimaiyo ayaa sheegay in dadkan ay isugu jiraan Soomaali, iyo Soomaali Kenyaan, kuwaas oo da’dooda qaar ka mid ah ay ka hooseyso 18 sano.
Kimaiyo ayaa ugu dambeyn xusay in dadkan Maxkamad la soo taagayo maanta ciddii dambi lagu healna sharciga la marsiin doono cidii lagu waayana la sii deyn doono, isagoo carabaka ku adkeeyay in howlgaladda lagu baacsanayo aragigixisada iyo dadka ammaan darrida Kenya ku lug leh ay sii socon donaan illaa laga ciribtirayo dalka Kenya guud ahaantiis.




