Ruux Askari Ahaa Maanta Lagu Dilay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho

0
481

Askari la sheegay in uu ka tirsan Ciidanka Ilaalada ee kontoroolka hore ee Garoonka Aadan Cadde, ayaa wuxuu duhurnimadii maanta uu dilay nin askari ahaa.

Dilka, ayaa ka dambeeyay markii askariga la dilay uu damcay, in uu gudaha Garoonka Aadan Cadde uu galo, isagoo ku hubeysan qori uu noociisu ahaa AK47, hase ahaatee uu ka horyimid askariga wax dilay.

Ka hor intii aanu dilin, ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku wada murmayn, in uu Garoonka geli doono isagoo hubeysan iyo in aanu geli doonin, taasina ay keentay in la dilo askarigii doonaayay, in uu galo Garoonka.

Goobtaasi oo ay ku sugnaayeen askar kaloo ka tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxay celin kari waayeen askarigii kale ee dilka geystay, ka gadaal markii la sheegay in uu ku naxay dilka uu geystay, isla-markaana uu baxsaday.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in askariga la dilay uu ka mid ahaa ilaalada mid ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Galmudug, inkastoo aynaan weli si rasmi ah kaga hadlin arrintaasi.

Mar waxaa soo baxay in uu ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Maamulka Galmudug General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), isla-markaana uu maalmahan askarigu joogay Magaalada Muqdisho.

Gaari Ambulance ah oo tagey goobta lagu dilay askariga, ayaa la soo sheegayaa in uu meydkiisii ka qaaday, una qaaday dhinaca Isbitaalka Madiina ee Degmada Wadajir.