
Waxaa maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho xuska maalinta xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12ka April, xaflad balaaran oo ka dhacday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Xafladan ayaa ah sanadguuradii 54aad oo kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidamadii ugu horeeyey ee Qaranka Soomaaliya.
Xafladan balaaran ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shiikh Maxamed, xubno ka socda golayaasha dowlada, saraakiisha ciidamada dowlada, AMISOM iyo marti sharaf kale oo ay ku jiraan wafuud caalami ah.




