Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Kolonyo Ciidamo Sera Leon ay wateen qarax lagula eegtay Magaaladaasi.
Qaraxa ayaa waxaa Ciidamada Sera Leon ee qeybta ka ha Howl galka AMISOM lagula eegtay Xaafadda Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa intaasi kudaraya in qaraxaasi uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn Xaddiga khasaarahaasi.
Goob Joogayaal ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu bur bur ka soo gaaray mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagula eegtay Magaalada Kismaayo.
Waxaa jirta Rasaas qaraxa kadib ay fureen Ciidamada AMISOM taasi oo aan iyana la ogeyn wax khasaaro ah oo ay geysatay.
Si kastaba qaraxa markii uu dhacay kadib ayaa waxaa Howl gallo dad badan lagu soo qab qabtay laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.




