Ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ayaa la wareegey gacan ku heynta qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose,iyadoo la soo sheegayo in ay dhaceen gacmo gacmeysi loo geystey dadka degen deegaanada lala wareegey.
Deegaanada kala ah Gandershe,Jilib marka,iyo Dhanaane ayaa lagu soo waramayaa in xaaladooda degentahey aysana jirin hada wax dhibaato ah oo ka taagan,iyadoon wax dagaal ah aysan ka dhicin markii lala wareegayey,waxaana ay Xarakada dagaalyahanada Alshabaab ay isaga baxeen deegaanadan oo ay hore u maamuli jireen.
Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ay la wareegaan meelo kamid ah gobolada dalka qaarkood,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo magaalada Muqdisho ay dadku baqdin ku waabariistaan,qaraxyo iyo madaafiicna laga maqlo.




