Shir ay yeesheen beelaha dega gobolada Sh/hoose,iyo Sh/dhexe iyadoo qaar kamid ah marti sharafkii kasoo qeybgaley shirka ay qaadaceen dhaliil iyo in aan loo dhameyn soo jeediyeen.
Imaam C/laahi Khaliif imaamka beelaha H/gidir iyo xubno kale ayaa dhamaantood sheegey in shirku qarsoodi qorshe laga leeyahey uu shirku ahaa,xildhibaano ayaa joogey uu kamid ahaa Dalxa mana joogin kuwii anaga na metelayey ayuu yiri Imaam C/laahi Khaliif,waxaana sidoo kale gobolka Sh/hose ay doonayaan gobolada Baay iyo Bakool,halka shan gobol oo ay ku jiraan jubooyinka ay iyaguna doonayaan.
Sidaas darteed waxaa la qiyaasi la’yahey Sh/hoose halka ay raaci doonto,waxuuna shirkan labada shabeelle kusoo beegmayaa xili labo shir oo iska soo horjeeda ay kasocdaan Baydhabo,dawlada dhexe iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo wasaarada amniga qarankuna wali wax war ah kasoo saarin.




