Tiro madaafiic ah oo muqdisho argagax gelisey,habeenki labaad…

0
461

Madaafiic iyo duqeymo isdaba joog ah ayaa lagu weerarey madaxtooyada jamhuuriyada federalka soomaaliya iyo agagaarkeeda,waxaana mar qura la dareemey daryanka madaafiic gaareysa ilaa 11 madfac oo isku xig xiga.

Duqeymahan ayaa u muuqda kuwo aan ganbasho laheyn oo ka duwan kuwii ay soo ridijireen xarakada dagaalyahanada Alshabaab,waxaana dadka qaar ku sifeynayaan in duqeymahan ay ka danbeeyaan qaar kamid ah ciidamada dawlada oo ka careysan arrimo ciidamada dhexdooda ah.

Maahan markii ugu horeysey ee madaafiic lagu soo rido madaxtooyada iyo agagaarkeeda,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan la ruqseeyey ciidamo labo kun ku dhaw,ayna ku jiraan jeneraalo sadex ah,taas oo uu ka danbeeyo taliyaha ciidamada Xogga general Indha qarsho.