Qaraxyo iyo madaafiic tiro badan ayaa caawa laga maqley muqdisho iyadoon la ogeyn qasaaraha ay geysteen madaafiicda caawa laga maqley meelo badan oo muqdisho kamid ah.
Tan iyo intii la maqley in ciidamada Ethiopia ay dalka soomaaliya soo galeen waxaa muuqda xasilooni daro kusoo kordheysa gudaha dalka,lamana oga inta ay xiriir la leeyihiin qaraxyadan iyo madaafiicda caawa laga maqley muqdisho soo gelitaanka ay ciidamada Ethiopia soo galeen meelo kamid ah gobolada Baay,Bakool iyo Gedo.
Qaraxyada caawa laga maqley muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili ay dhawaan diyaaradaha dalka mareykanku geysteen duqeyn uu ku dhintey sarkaal sare oo alshabaab ah Cammo iskudhuuq,ayna mareykunku sheegeen in hugaamiyaha Alshabaab Abu Zubeyr ay ku dhaawaceen duqeytaas.




