Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland oo shaaciyey xariga iyo sii deynta xubno ka tirsanaa xafiiska Xasan Sheekh

0
579

Maamulka somaliland ayaa sheegey in ay siidaayeen 3 xubnood oo ka tirsanaa madaxtooyada dawlada federalka soomaaliya iyadoo la sheegayo in ay sadexdaas xubnood usii gudbeen dalka Ethiopia.

Xariga sadexdan xubnood oo midi haweeney tahey ayaa xarigooda iyo siideyntooda u xaqiijiyey idaacadda V.O.Ada wasiirka warfaafinta maamulka somaaliland,waxaana dhawaan kusoo dhamaadey dalka Turkiga wada hadallo u socda labada maamul ee soomaaliya iyo somaliland,kuwaas oo meesha ka saarayey wixii caqabad ku noqonaya wadahadalada weli socda.

Sadexdan ruux oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada D.F.S ayaan magacooda la shaacin sababo la xiriira dhawrista heshiiska iyo wada hadalada u socda labada Maamul ee Soomaaliya iyo Somaliland.