Khilaaf cusub ayaa kasoo ifbaxaya maamulki puntland ee dhawaan la magacaabey,waxaana lagu soo waramayaa in maanta ay baaqatey dhaarintii wasiiradii dhawaan uu m/weyne C/weli Cali Gaas magacaabey.
Baaqashada dhaarta wasiirada iyo khilaafkan cusub ayaa la sheegayaa in ay ku lug leedahey xukuumadii hore ee maamulka lagala wareegey,uuna hugaaminayey C/raxmaan Sheekh Maxamu’d Faroole.
Waa markii u horeysey ee khilaaf soo ifbaxo tan iyo intii C/weli Max’d Cali Gaas loo magacaabey m/weynaha puntland,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo la sugayey in wasiirada cusub ee C/weli Max’d Cali Gaas ay xilka puntland la wareegaan…




