Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun! Waxaa dalka mareykanka ku geeryoodey R/wasaarihii hore ee dalka soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen,iyadoo da’diisu sagaashan sano ku dhaweyd.
Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa ahaa nin caan ka ah dalka soomaaliya xilal kala duwana dalka u soo qabtey,isagoo qeyb weyn ka qaatey xiligii gobanimo doonkii sanadihii 1950kii ilaa 1960kii,wuxuu ahaa nin soomaalidu ku xamato in uu warqad liqey iyadoo la sheego in C/risaaq Xaaji Xuseen uu ku noolaa inta badan noloshiisa Hal sambab.
Taariikhda noloshii oo faah faahsan dib ayaan idinkaga soo gudbineynaa,sidoo kale sida iyo habka aaskiisu u dhaco insha allaah.




