Waxaa galabta lagu diley meel aan sidaas uga fogeyn degmada marka ee xarunta gobolka Sh/hoose wiil dhalinyaro ah oo ay walaalo yihiin gudoomiyaha degmada marka Max’d Yariisaw.
Gudoomiyaha degmada marka Max’d Yariisaw oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in la garanayo dadkii diley walaalkiis uuna u sheegayo cuqaasha iyo wax garadka beesha uu ka dhashey gud.degmada marka in aysan ku kicin falal lidi ku ah nabadgelyada,wuxuuna dawlada dhexe ugu baaqey in ay ka jawaabaan waxa dhacey isagoo intaas ku darey in ay burburtey xabadjoojintii hore u tiil iyadoo hadalkiisa laga dheehan karayey in warkiisu u dhacayey in uu ka hadlayo dagaalki hore u dhexmarey beelaha Biyomaal iyo H/gidir.
Hore ayaa waxaa loo hirgeliyey xabadjoojin loo dhex dhigey beelo wada dega gobolka Sh/hose,kuwaasoo ay dagaal dhawr goor ku dhexmarey deegaano kamid ah gobolka Sh/hoose,waxaana dilkani kusoo beegmayaa iyadoo xabadjoojin iyo nabad loo dhex dhigey beelihii hore ugu dagaalamey gobolka Sh/hoose.




