Axmed cambo isku dhuuq oo la sheegey in lagu diley duqeyn diyaaradeed.

0
563

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacdey agagaarka degmada sablaale uu ku geeryoodey sarkaal ka tirsanaa Xarakada Dagaalyahanada Alshabaab,kaas oo lagu magacaabo (Axmed Cambo isku dhuuq).

Lama oga xaqiiqda warkaas iyadoo aan la xaqiijin run ahaanta warkaas ayaa dadka deegaanka sablaale waxey sheegeen in ay maqleen duqeyn weyn oo diyaarado geysteen,waxaana laga yaabaa in ay wararka qaarkood mala awaal yihiin.

Maahan markii ugu horeysey ee la sheego in diyaarado aan la garaneyn duqeyn ka geysteen meelaha ay maamulaan xarakada dagaalyahanada Alshabaab iyo meelo ka baxsanba.