Wararka Soomaaliya
Shirkaan oo lagu waday Maanta in uu ka furmo Magaalada Caabud Waaq ee Gobolka Galduud aya dib loo dhigay ka dib markii ay isku fahmi waayaan qab qab layaasha Eithopia u shaqeeya ee la baxay Ahlu Sunnah
Shirkaan aya la sheegay in mudu 3 maalmood ah dib loo dhigay iyadoona horay mudo dhowr mar oo sidaanoo kale loo baajiyay warar ay heshay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa xaqiijinaya in ay is faham darri iyo khilaaf xoogan uu ka dhax jiro kooxdaasi la magacbaxday Ahlu Sunnah ee u shaqeysay Eithopia
qaar ka mid ah qab qablayaasha Ahlu Sunnah oo warsom la hadlayay ayaa sheegay in gacan ka hadal uu dhaxmaray hogmaamiyaal ka tirsan kuwa u shaqeeya Eithopia
Gacan ka hadalkaan ayaa ka dambeeyay cidda hogaamineysay shirka caabud waaq ka dhici doona ee Eithopia ay soo qaban qaabisay waxaana shirkaan horay u iclaamiyay Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka mid ah qab qablayaasha u adeega Eithopia waxaana ka dib arintaasi ku qabsaday Qabqablayaasha kale ee sheegta Magaca Ahlu Sunnah Eithopiana u adeega waxaana ka mid ah Macalin Max’ud Sh. Xasan iyo Gudoomiyaha golaha Marjica ee Ahlu Sunnah iyo xubno kale waxaan iminka khilaafka u dhaxeeya u adeegayaasha Eithopia uu marayaa meeshii ugu sareysay iyagoona iminka kala baqaya kuwa ku sugan Dhuuso Mareeb umu gudbi karaan Guri Ceel kuwa jooga luuqna uma imaan karaan Caabud waaq taas ayaa waxay salka ku heysaa khillaaf xoogan oo u dhaxeeya kooxdaan
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





