Wararka Soomaaliya
Qaar ka mid ah dad la sheegay inay barakacayaal ay yihiin oo la dejiyay xoosh ayaa ka cabanaya ciidamo ka tirsan TFG-da iyagoona sheegaya in ay kala kulmaan tacdiyo xoogan oo isugu jira kufsi haweenka lagula kaco boob loo geysto waxa yar ay dadka ku kaalmeeyaan iyo dil ay kula kacaan Maleeshiyaadkaan TFG-da ka tirsan
Horjoogaha Kaamkaan ku yaal Xoosh ayaa maanta isagoo hor boodaya dad ka mid ah kuwa halkaasi ku dhaqan waxay socod ku soo mareen goobaha ay deganyihiin horjoogayaasha TFG-da waxayna ku dhawaaqayeen tacadiyada ay kala kulmaan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan TFG-da
Gudoomiyaha Kaamkaasi ayaa u sheegay Wakaalada Wararaka Soomaaliyeed ee Warsom in habeenkii xalay ahaa haweeney halkaasi ku sugneed fal kufsi ah ya u geysteen ciidamo ka tirsn xilligaasi ayaa gudoomiyaha Kaamkaasi waxaa ka muuqaneysay Indhihiisa Ilmo isagoona si aad ah ugu xumaa Falka Kufsiga ah ee loo geystay Gabadha ku dhaqan Xoosh
Gudoomiyaha Kaamkaasi aya sidoo kale sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan TFG-da isla haweenkii xalay ahaa ay ka boobeen bacooyin iyo xoogaha yar oo raashiin ah oo ay ka heleen dadka ku nool Magaalada Muqdisho
Gabagabadii ayuu wuxuu ka codsaday Madaxda TFG-da in la damaanad qaado Amnigooda dadka dhibaateysan
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





