Waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sh/hose ka dhacey dagaalo iyo qaraxyo u dhaxeeya ciidamada Amisom iyo kuwa dagaalyahanada alshabaab,waxaana qarax lagula eegtey ciidamada Amisom deegaan aan sidaas uga fogeyn xarunta gobolka Sh/hose ee Marka.
Dagaalada u dhaxeeya dagaalyahanada xarakada Alshabaab iyo ciidamada Amisom ayaa ah kuwo joogto ka noqdey deegaano badan oo gudaha dalka ah,waxeyna wararku sheegayaan in deegaanka Buufaw khasaare kasoo gaarey ciidamada Amisom iyadoo uu haleeley qarax loo aasey gaari kuwa gaashaaman ee ciidamadu isticmaalaan.
Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada Amisom la kulmaan dagaalo iyo qaraxyo iyaga ka dhan ah,waxeyna dagaaladani kusoo beegmayaan iyadoo maamulka degmada Marka ninka lagu magacaabo Yariisaw uu gebi ahaanba inkirey in wax qarax ah ay ka dhaceen deegaanka Buufoow bacaad.




