Madaxweynaha puntland C/weli Gaas oo xilkii m/weynaha puntland la wareegey.

0
484

M/weynaha cusub ee puntland C/weli Cali Gaas ayaa maanta la wareegey xilka m/weynenimo ee puntland,iyadoo ay khudbado ka jeediyeen m/weynihii hore C/raxmaan shekh Maxamed Faroole iyo C/weli Cali Gaas.

Labada m/weyne ee xilka la kala wareegayey ayaa muujiyey niyad wanaag iyo saaxibtinimo aan hore loo ogeyn,waxaana goobjoog ka ahaa isimo,haween,dhalinyaro iyo qeybaha bulshada oo lagu soo casumey xaflada.

Maahan markii ugu horeysey ee puntland si doorasho ah xilka lagula kala wareego,hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo muran ba’ani ka dhex jiro m/weynaha dawlada dhexe iyo r/wasaaraha uu dhawaan magacaabey…