Qarax lala beegsadey ciidamada Amisom ayaa lagu burburiyey hal gaari oo kuwa gaashaaman ah deegaanka lafoole halka ciidamada amisomna ay ku dileen qof rayid ah oo watey gaari kuwa raaxada ah.
Qaraxan lala eegtey ciidamada amisom ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa qaraxyadii beryahan dhacayey,iyadoo aan waxba ka gaari jirin gawaarida gaashaaman ee ay ku hawl galaan,mana dhici jirin in rasaas ay furaan galaafato dad aan waxba galabsan sida caawa ka dhacdey deegaanka Lafoole ee deg.Afgoye.
Maahan markii ugu horeysey ee ciidamada Amisom qaraxyo lala eegto waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo hanjabaado ay hawada isu marinayaan xarakada dagaalyahanada Alshabaab,dawlada federalka iyo ciidamada amisom.




