Moshin ka dhan ah wasiiradii hore in aysan xukuumadan soo gelin ayaa barlamaanka maanta la geeyey kaas oo loo balamey maalinta talaadada maadaama ay mawliid tahey isniinta beri ah.
Moshinkan ayaa dhaawac weyn ku noqonaya dad wasiiro hore u ahaa hadana sugayey in ay wasiir helaan,isla markaana ay jiiraan beelaha iyo odey dhaqameedyada.
Waa markii ugu horeysey ee xubnaha barlamaanku ay soo dhex galaan dagaalka qarsoon ee u dhaxeeya m/weynaha iyo ra’iisalwasaraha cusub waxeyna soo afjareysaa raagida dhismaha xukuumada cusub, moshinkanina waa kii u dhameyn lahaa xubnaha damuljadiidka ah ee xukuumad walba u taagan.




