Qaraxyo laga maqley meelo kala duwan oo muqdisho kamid ah.

0
189

Qaraxyo kala duwan ayaa muqdisho laga maqley kuwaas oo qaarkood lagu tuurey guri ay fanaaniinta hobolada waaberi qaarkood ay heesaha ku baroobeyn jireen guriga qaraxa lagu tuurey ayaa waxa uu kuyaal degmada waaberi.

Guriga ayaa lagu weerarey bambo gacmeed lamana oga sida wax u gaareen dadki guriga ku sugnaa,waxaana sidoo kale laga maqley meelo kale sida degmada yaaqshiid heliwaa iyo meelo kale.

Qarayada iyo dilalka ayaa muqdisho kusoo kordhaya tan iyo intii xukuumadii hore ay dhacdey midii kalena ay kasoo daahdey waqtigii loogu talo galey iyadoo hada r/wasaare C/weli Shekh Axmed uu barlamaanka ka codsadey in 10 cisho oo hor leh loogu daro xiliga dastuurku siinayo.