R/wasaaraha somaaliya C/weli Shekh Axmed ayaa la kulmey qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka kuwaas oo kasoo jeeda beesha daarood isagoo kala hadley sidii uu usoo dhisi lahaa xukuumad ay ku qanacsanyihiin.
R/wasaaraha ayaa hada usoo jeestey in uu qanciyo beelaha shanta ah ee soomaaliya waxa uuna u qancinayaa in xukuumadu noqoto mid si sahlan barlamaanka u ogolaado,iyadoo xildhibaanada qabiil walba ay rabaan in r/wasaaruhu la hadlo oo u muujiyo in xildhibaanada uu u baahanyahey.
Waa markii ugu horeysey ee uu r/wasaaruhu la kulmo xildhibaano qabiil qabiil isula socda micnuhu waa qaran iga daaye maxaa qabiilkeyga u dan ah?
Waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo xukuumadani ka badantahey xukuumadii dr saacid oo aheyd tii ugu yareyd xukuumadihii dalka soo marey marka laga reebo midii xoriyada oo ka koobneyd lix wasiir oo kaliya.




