Dagaalyahanada xarakada Alshabaab oo weerar ku qaadey deg. Jannaale ee gobolka Sh/hose.

0
512

Dagaal aad u qaraar ayaa ka dhacey degmada jannaale ee gobolka Sh/hoose iyadoo leys weydaarsadey hubka kiisa cul culus iyo midka fududba,iyadoo muddo saacad kabadan la maqlayey daryanka madaafiicda iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Degmada Jannaale oo lagala wareegey dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ayaa waxaa weerarey oo dagaalkan ka danbeeyey xarakada dagaalyahanada Alshabaab oo xeeladoodi dagaal u bedeley dagaalka gorilaha,ama ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaarey labada dhinac ee ku dagaalamey deg. Jannaale ee gobolka sh/hoose,waa dagaalyahanada xarakada Alshabaab iyo ciidamada dawlada federalka oo ay taageerayaan ciidamada Amisom.

Maahan markii ugu horeysey ee leysku fara saaro degmada Jannaale,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo dawlada federalka r/wasaaraheeda cusubi balan ku qaadey sifeynta Alshabaab meelaha ay xukumaan ama heystaan.