Madaxda ku dagaalameysa dalka koonfurta sudan salvakir iyo mashell ayaa ogolaadey in ay wada hadlaan,kuna wada hadlaan dalka ethiopia iyadoo madaxda dalalka Igad ay dhinac walba cadaadis ku saareen in ay ogolaadaan wada hadalada loo balansanyahey.
M/weynaha iyo m/weyne kuxigenka dalka koonfurta sudan ayaa isku haya awooda iyo gacan ku heynta dalka da’da yar ee konfurta sudan,m/kuxigenka dalka konfurta sudan mashel ayaa sheegey in aan wali la gaarin xabad joojin ayna maanta qabsadeen magaalada muhiimka ah ee pour,hase yeeshee afhayeen u hadley dawlada ayaa sheegey in magaalada pour aysan mucaaradku wada heysan ee ay dhinac ka heystaan.
Waa markii ugu horeysey ee dawladaha Igad ay isku dayaan in ay wadahadalsiiyaan m/weyne salvakiir iyo m/weyne ku xigeenkiisii mashell oo siyaasada dalka konfurta sudan isku qoomey,waxaana la filayaa in wax uun laga gaaro marka ergooyinka labada dhinac ay soo wada gaaraan addis ababa dalka ethiopia oo marti gelinaya wada hadalada u bilaabanaya dhinacyada ku dagaalamaya dalka south sudan.




