Maamulka kmg ee Juba oo xarig iyo caburin ku haya saxaafadda madaxa banaan.

0
491

Maamulka kmg ee juba ayaa caburin iyo cadaadis ku haya saxaafada madaxa banaan,iyadoo aan la ogoleyn wax dhaliil ka dhan ah ama la xiriira wax qabad la’aanta maamulka kmg ee juba.

Maamulka kmg ah ee hugaaminayey Axmed Maxamed Islaam Axmed Madobe ayaa hadda waxaa u xiran labo saxafi oo kala ah wariye Xiis oo idaacada afka maamulka ka shaqeynayey kadib markii sida la sheegey uu hawada geliyey hees ka turjumeysa dagaalki ethiopia iyo soomaaliya dhexmarey 1977kii.

Sidoo kale waxaa la xirey oo gurigeeda lagala baxey gabar lagu magacaabo nasteexo oo il wareed u aheyd idaacada Sky iyadoo la soo sheegey in iyadana lagu heysto war ay muqdisho usoo dirtey oo sheegayey in khilaaf soo kala dhex galey Axmed Madoobe iyo Macalim Ibraahim uuna hada Axmed madoobe soo geli la’yahey kismaayo loona diidey.

Xir xirida iyo caburinta saxafiyiinta ayaa muujineysa in maamulka kmg ee juba uusan aheyn maamul karti leh,uuna doonayo in uu afka qabto saxaafada iyo cid kasta oo dhaliisha maamulkaas uu hugaamiyo Axmed Madoobe.