Hawlgal ay ka qeyb qaateen ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada oo lagu soo qab qabtey 500 qof.

0
450

Hawl gal ay ka qeyb qaateen ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada federalka somalia ayaa lagu soo qab qabtey dhalinyaro iyo dad ganacsato ah oo gaaraya ilaa shan boqol oo qof kaas oo ka dhacey degmoyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

Inta badan hawlgalkan ayaa muqdisho lagu aqoon jirey haseyeeshee in mudo ah laga nastey ayaa ka bilawdey caasimada muqdisho waxaana lagu beegey r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed.

Maahan markii ugu horeysey ee dad guryahooda jiifa leysugu keeno barxad iyadoo aan la arag denbi isagoo faraha kula jira,waana xad gudub ay dawladu ku jebineyso qodob dastuuri ah iyo xaqa xoriyada muwaadinka sida looga qaadi karo.