Odayaasha iyo wax garadka beelaha H/gidir ayaa waxey kulan la qaateen m/weyne Xasan Shekh Maxamuud iyagoo ka codsadey in wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadii hore C/kariim Xuseen Guuleed uusan shirka soo galin goobjoogna uusan ka noqon waxa ay m/weynaha kala hadlayaan.
Sidoo kale waxey odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku m/weynaha ka codsadeen in wasiirada ay beesha leedahey lagala tashado iyaga ee aan loo dhihin wax aysan dooneyn.
Hadalka odayaasha ayaa u muuqda in ay odayaashu diidanyihiin C/kariim Xuseen Guuleed oo ay ka tabanayaan hagardaamooyin iyo khiyaamooyin uu hore u sameeyey waxeyna diidanyihiin in C/kariim Xuseen Guuleed,iyagoo aad uga xun sida uu ula dhaqmey odayaashi keeney shekh Xasan Daahir Aweys.




