R/wasaare C/weli Shekh Axmed oo qabanqaabadii ugu danbeysey ugu jira ku dhawaaqista xukuumadiisa.

0
486

R/wasaaraha dawlada federalka soomaaliya C/weli Shekh Axmed ayaa ku jira qabqaabadi iyo kulamadii ugu danbeeyey ee uu xukuumadiisa kusoo dhisi lahey.

R/wasaare C/weli Shekh Axmed ayaa waxa uu kulan la yeeshey m/weynaha isagoo m/weynaha usoo bandhigey in loo baahanyahey in xukuumada uu soo dhisayo ay ka koobnaato 25 wasiir taas oo ay isku afgarteen m/weynaha iyo r/wasaare C/weli Shekh Axmed.

Xukuumadda soo socota ayaa lamid noqoneysa xukuumadiihii boqolka madax ee tirada badnaa hadii tiro 25 wasiir ay ka koobnaato,waxeyna tani imaneysaa iyadoo qabaa’ilka iyo ururo hubeysani ay dhaliilayaan kartida r/wasaaraha cusub sida uu ula daahey ku dhawaaqista golaha wasiirada.