Shir la sheegey in maamul goboleed lagu dhisayo oo Baydhabo ka furmey.

0
500

Shirka dawlad goboleedka gobolada koonfureed ayaa ka furmey gobolka baay magaalada Beydhabo,iyadoo ay shirka kasoo qeybgaleen ergooyinka gobolada konfurta oo lix gobol ah.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah xildhibaan barlamaanka ka tirsan ayaa ugu baaqey gobolada jubooyinka in ay kasoo qeyb galaan shirka ka furmey magaalada Baydhabo,isla markaana uu shekh Axmed madoobe ka tanasulo m/weyneha kmg ee ay dawlada dhexe.

Shirkan Baydhabo ka furmey ayaa waxaa hor boodaya oo raba in m/weyne laga dhigo Shariif Xasan Sh/aadan oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka waqtigan,waana siyaasi ruug cadaa ah oo aan laga lug bixi karin,wuxuuna dhawaan kulan la yeeshey m/weynaha xiligan Xasan Shekh Maxamu’d isagoo ka dalbadey in uu u ogolaado maamul loo dhiso gobolada koonfureed.

Waa markii ugu horeysey ee shir lagaga arinsanayo maamul goboleed ay leeyihiin gobolada Baay iyo Bakool kaas oo in mudo ah la hadal hayey in maamul goboleed xaruntiisu tahey baydhabo.