Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamu’d oo waraaqihii danjirenimo ka gudoomey safiir ay soo magacawdey dawlada danmark.

0
477

Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya prof. Xasan Shekh Maxamu’d ayaa ka gudoomey waraaqihii danjirenimo safiir cusub oo ay dawlada danmark usoo magacawdey soomaaliya.

Danjiraha cusub ee danmark Gape underson ayaa ka mahad celiyey qaabilaada loo sameeyey islamarkaasna sheegey in danmark ay ka qeyb qaadaneyso hawlaha lagu taageerayo dawlada federalka soomaaliya sida arrimaha nabadgelyada,caafimaadka,waxbarashada iyo wixii lamid ah.

Wasiirka arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga Fawsiya Yussuf X/aadan ayaa iyaduna ka mahad celisey sida dawlada danmark u barbar taagantahey soomaaliya,ayna ku faraxsantahey soomaaliya safiirka ay danmark usoo dirtey soomaaliya.

Dawlada danmark ayaa inta badan ku dhexjirtey shirarka iyo arrimaha soomaaliya looga hadlayo,waana markii ugu horeysey ee ay soomaaliya safiir u soo magacawdo,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ay isbedelayaan xukuumadii hore ee dr Saacid iyo midan cusub ee C/weli Shekh Axmed.