Xildhibaano ka tirsan barlamaanka oo soo dhaweeyey hadal m/weyne Xasan Shekh uu ka yiri dagaalka sh/hose.

0
521

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaaliya ayaa taageerey soona dhaweeyey hadal m/weyne Xasan Shekh uu ka yiri dagaalada sokeeye ee dalka ka socda,xildhibaanadan oo hore loogu magacaabey in ay joojiyaan dagaalka ka socda gobolka sh/hoose.

M/weyne Xasan Shekh ayaa ka hadley dagaalka ka socda gobolada sh/hoose,iyo gobolka sh/dhexe,isagoo sheegey in dagaaladaas talaabo laga qaadidoono si deg deg ah wuxuuna ugu baaqey in aysan u nisbeyn ciidamada dawlada qabiil si isku mid ah ayey uga hawlgalayaan meelaha ay dagaaladu ka socdaan.

Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah Xusen Carab ciise,C/lle Boss iyo kuwo kale oo kasoo kala jeeda beelaha ku dagaalamaya gobolka sh/hose,kuwaas oo dhawr jeer ku dagaalamey gobolka sh/hose,madaxweynaha ayaa ku eedeeyey dagaalada ka socda shabeelooyinka dad doonaya in aysan soomaaliya degin oo dagaalada iyo dawlad la’aanta ka bixin,wuxuuna balan ku qaadey in dadkaas si wadajir ah gacanta loogu dhigayo ee aanu qofna u hiilin.