Wararka Soomaaliya
Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al Shabaab oo si aad ah u hebeysan ayaa galabta weerar culusu ku qaaday Fadhiiisamo ciidamada shisheeye ay kaga sugnaayeen Degmada Hodan ee gobolka Banaadir
Dagaalkaani ayaa la sheegay in qasaaro xoogan uu ka soo gaaray ciidamadii Shisheeye ee weerka lagu qaaday
Daryanka Madaafiicda iyo Rasaastii leys weedaarsanayay ayaa waxaa laga maqlayay Magaalada Muqdisho
Goob joogayaal ku sugan Degmada Hodan ayaa u sheegay wakaalada warararka Soomaaliyeed ee Warsom in ay arkayeen ciidamo ka tirsan kuwa shisheeye oo ku dhintay dagaalkii xooganaa ee galaba Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku qaadeen fadhiisimaaha ciidamada Shisheeye
Sidoo kale goob joogayaasha ayaa waxay intaa raaciyeen inay arkeen ciidamo aad u badan oo isugu jira kuwa Shisheeye iyo TFG-da oo ku dhaawacmay dagaalkii maanta
Wararka kale ayaa waxay sheegayaan Mujaahidiinta Al Shabaab inay la wareegeen Fadhiisin ciidamada Shisheeye
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Wakaalada Wararka Soomaaliyee ee www.warsom.com
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





