Ciidamada dalka talyaaniga oo badbaadiyey in ka badan 120 qof kadib marki dooni ay la socdeen ka halawdey.

0
516

Ciidamada badda dalka talyaaniga ayaa badbaadiyey in ka badan 120 qof oo muhaajiriin doonidii ay la socdeen baddu liqdey oo ay ku kharaqantey.

Dawlada dalka talyaaniga ayaa qadyaan ka joogta dadka tahriibaya iyadoo dhawaan ku dhawaad shan boqol qof ay ku dhinteen badda meel ku dhaw jazirada lamadusa,oo hoy u noqotey dadka muhaajiriinta ah ama tahriibaya,waxey dawlada talyaanigu ku dhawaaqey maalin murugo oo calanka dalkaas hoos loo dhigo si uu indhaha yurub usoo jeediyo.

Talyaaniga ayaa yurub gacan weydiisatey si looga caawiyo dadkan tirada badan ee kasoo talaabaya talyaaniga kuwaasoo u gudbaya yurubta kale hadii ay codsiga talyaaniga ka jawaabi waayaan waxey noqoneysaa in ay wada qeybsadaan wixii dhibaato ah oo ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta soo qaxaya,iyagoo doondoonaya nolol dhaanta mida ay kasoo haajireen.

Talyaaniga ayaa waqtigan si uun u hadal haya sidii maareyn loogu heli lahaa dadka tahriibayaalka ah,waxaadna moodaa in talyaanigu arintaas u taagwaayey oo aanu ku fileyn.