Maamulka juba land ee uu hugaamiyo Shekh Axmed Maxamed Islam ayaa hawlihiisu si habsami ah u socdaan iyadoo ay jiraan hawlgalo gudaha gobolka ah iyo kuwo lagu baacsanayo haraadigii Alshabaab.
Sida uu u sheegey wakaaladda wararka warsom sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamu’d Maxamed (Biikolo) waxaa jira qabanqaabo lagu soo dhisayo xubnaha fulinta maamulka oo laga sugayo m/weynaha maamulka jubba Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe.
Korneyl biikolo ayaa sidoo kale sheegey in dadka reer juba land ay fahmeen in iyagu ay wax wada leeyihiin ayna heshiin karaan hadii laysu daayo,wuxuuna hadalka korneyl biikolo imanayaa xilli la filayey in 05 bishan shir ka furmo magaaladan muqdisho,kaas oo ay qaadaceen maamulka kmg ee Axmed Madoobe hugaamiyo.




