Shekh Shariif Shekh Axmed m/weynihii hore ee soomaaliya oo hambalyo u direy muslimiinta caalamka.

0
472

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shekh Shariif Sh Axmed ayaa hambalyo ku aadan ciidda ciidul adxaa u direy shucuubta islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed,isagoo u rajeeyey in eebbe ciiddan ciiddeeda uu alle ku gaarsiiyo caafimaad iyo cibaado suuban insha allaah.

Shekh Shariif shekh Axmed oo isagoo ku sugan ugandha warbahinta la hadlayey yiri waa in aan midawno midnimada ayaan kaga gudbi karnaa caqabado na heysta.

Shekh shariif ayaa warbaahinta ka hadlin in badan tan iyo intii xilka uu ka degey sanadkii hore,waxaana laga yaabaa in shekh shariif uu isu diyaarinayo tartan xaga siyaasada sanadka 2016ka iyadoo xisbiyo lagu tartamayo,xisbigiisii u badnaa aala shekh ayaa si weyn lug ugu leh dawlada iyo maamulka hadda jirta.

M/weynihii hore shekh shariif shekh axmed ayaa hore usoo noqdey gudoomiyihii midawga maxaakiimta islaamka iyo gudomihii ururkii ARS ee lagu aas aasey asmara isagoo kadibna madaxweyne ka ahaa dalka muddo 3 sano ah,waxaana laga yaabaa in mar kale laga arko saaxada siyaasada maadaama uu yahey nin dhalinyaro ah.